Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Deg Deg: Shabaab oo Weerar Ku Qaadey Saldhigga Afgooye

deg-deg-ah11

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye gaar ahaan Agagaarka Buundada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxan ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo lagu dhuftay derbiga fariisin Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin halkaasi.

Wariyaha Risaala ee Degmada Afgooye ayaa soo sheegaya in Qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo ilaa iyo hada aaan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada Afgooye gaar ahaan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu Qraaxa ka dhacay , waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu Qaraxa u dhacay.
Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerareen xarrunta saldhigga degmada, halkaas oo laga maqlayo rasaaas xooggan, sida ay dad goob joogayaal ahi VOA u sheegeen.

Weerarka, ayaa la tilmaamay in uu ku billowdey qarax, dabadeena ay maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan gudaha u galeen qeyb ka mid ah saldhigga.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.

VOA, ayaa idin soo gudbin doonta wixii ku soo kordha weerarkaasi hadda ka soconaya degmada Afgooye.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300