Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Dalxa “Beesha caalamka Somaliya waxa ay u yeerinayaan wax aan danaheena aheyn

dalxa

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ee waqtigiisa uu dhamaaday, ayaa sheegay in Beesha caalamka Somaliya ay u yeerinayso wax aanan aheyn danta Umadda Somaliyed.

Dalxa oo ka jawaabayay Warqad ka soo baxday Xafiiska UNSOM ee ku aadaneyn in Aqalka sare ee dalka laga saaro dad Qaramada Midoobay ay ku sheegtay inay yihiin dagaal Oogayaal, ayaa wuxuu sheegay taasi inay muujinayso in Beesha caalamka ay wado yeerin.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay Beesha caalamka in looga baahan yahay inay ka gaabsadaan waxyaabaha gudaha ah ee Somalida dhexdooda, ayna u daayaan dadka Somaliyed inay isla gartaan waxa dhexdooda yaalo.

“Arrintaa waxaan leeyahay haka gaabsadaan oo ha isku daayaan Soomaalida iyada sida ay isku xallin karto iyadaa taqaan hadday isku tanaasusho, hadday is cafiso iyo haddii ay isla xisaabtantaba iyada ayay u taallaa”. Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaan Dalxa, ayaa tilmaamay Beesha caalamka inay iska indhatireyso marxaladihii kala duwanaa ee dalka Somaliya uu soo maray iyo xaalada rasmiga ah ee haatan la taagan yahay.

“Badi dadka matala Beesha Caalamka ama ha noqdaan UN ama ha noqdaan ururrada kale ee saameynta ku leh gudaha Soomaaliya in aysan xaqiiqada runtii la soconin, waddankaan waxa uu soo maray dhibaatooyin tiro badan oo Jabhado ku diriray, qabaa’illo ku diriray, dowlad iyo mucaarad ku diriray; si kastaba ha ahaatee waxaa arrimahaasi looga soo gudbayay hadba sidee ‘xeego loogu  xagtaa ilkana ay ku nabadgalaan’, dadka faraha lagu fiiqayo maanta waxaan filayaa wakhti ay uga fiican yihiin iney dowladnimada qeyb ka noqdaan oo ay wax ka dhisaan oo wixii hore ee laga soo gudbay ay yihiin dad muhiim ah oo arrimahaas laga kaashado, inaan maanta looga maarmi karin ayaan u arkayaa Soomaaliya, boogta Soomaaliya waxaa bogsiin kara dadka u dhashay, iyadoo aano iyo dakano iyo wixii hore Soomaaliya uga dhacay aan dib boogtaasi loo damqinin”.

Dad badan oo Somaliyed ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Beesha caalamka ay kala xulato dad Somali ay soo doorteen, kadib markii ay dalbatay in Liiska Aqalka Sare laga saaro Shaqsiyaad lagu tilmaamay Dagaal Oogayaal.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300