Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Mandera

police_mandera_0

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen meel ku dhow guriga uu degan yahay gudoomiyaha degmada Mandera Cali Roba.

Dagaalka oo qaatay muddo daqiiqado ah ayaa dhex maray ciidanka booliska dalka Kenya iyo sidoo kale Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Mandera Cali Roba ayaa sheegay in ilaaladiisa ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in muddo ay dagaalamayeen ciidanka ilaadiisa ah iyo sidoo kale dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab.

Qofka dhintay ayaa lagu soo waramaya in uu ahaa shacab , islamarkaana xabad habow ah ay ku dhacday.

Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay laba jibaaray weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300