Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Axmed Madoobe oo diiday wax-ka bedelka Liiska Musharixiinta Aqalka sare.

madoobe-480x320

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland.

19 Musharax ayaa khudbadahooda ka hor jeedinaya xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland si ay u soo bandhigaan waxqabadooda haddii loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa berri lagu wadaa in ay codeeyaan xubnaha u taagan ka mid noqoshada Aqalka Sare oo laga sugayo inay doortaan 8 xubnood.

Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay inuusan waxba ka bedelin liiska musharixiinta isagoo ka gaabsaday dalabkii Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka si ay uga muuqato qoondada haweenka.Wararka ayaa sheegaya in baarlamaanka Jubba ay wadaan qorshe laba haween ah lagu loogu soo dooranayo aqalka sare.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300