Published On: Tue, Oct 18th, 2016

ALSHABAB OO ISAGA BAXAY DEGMADA AFGOOYE, KADIB MARKII AY…

160312111901_afgoe_attack_512x288_bbc_nocredit

Al-shabab ayaa dib uga baxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib weerar Qaraxyo ku bilowday oo galabta ay ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmadaasi.

Dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Ciidanka Dowladda ayay Shabaab ugu suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan qeybo ka mid ah Degmada Afgooye.

Dagaalkan ayaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee halkaasi ku dagaalantay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa waxaa loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300