Published On: Tue, Oct 18th, 2016

Alshabaab oo weerar culus ku qaaday Guriga Guddoomiyaha Mandera.

alshabab-kenya21-480x320

Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.
Weerarka Alshabaab ayay la beegsatay Guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Mandheera CalI Roba, iyadoo wararku sheegayaan in lagu dilay qof, isla markaana dhaawac ka soo gaaray dhowr qof oo kale.

Dagaalka ayaa socday muddo daqiiqado ah, wuxuuna dhex maray ciidamada booliska Kenya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.Gudoomiye Cali Roba ayaa sheegay in ilaaladiisa ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday oo uu sheegay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray in in muddo la dagaalamayeen Al-Shabaab.

Weerarka ay Alshabaab ku qaaday guddoomiyaha Mandheera ayaa ka mid noqonaya weerarko is daba joog ah oo Alshabaab la beegsaneyso gudaha Waqooyi Bari ee Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300