Published On: Mon, Oct 17th, 2016

Muxuu Musharax Cali Max’ed Carraale uga baxay tartanka Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle?

cali-carraale1-480x320

Musharixii xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Maxamed Caraale ayaa ka baxay oo ka haray tartanka doorashada oo hadda ka bilaabatay magaalada Jowhar.
Cali Maxamed Caraale ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababta, laakiin Goobjooge.com ayaa sheegtay inay halis gashay fursadiisa.

Musharaxan ayaa taageero ka heystay IGAD, waxaana muddooyinki dambe uu noqday go’doon kadib markii soo baxeen musharixiin xoog leh oo dhaqaale wata.Doorashada xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle waxaa hadda isugu soo haray labada Musharax ee kala ah: Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Maxamed Cosoble oo tartan adag uu dhex mari doono.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300