Published On: Mon, Oct 17th, 2016

Dowladda Somaliya oo hub iyo gaadiid ku wareejisay ciidanka ku sugan Gobolka Hiiraan

hiiraan

Taliska ciidanka Xooga dalka Somaliya, ayaa gaadiid dagaal iyo hub ku wareejiyay ciidamada Xooga dalka Somaliya ee Gobolka Hiiraan ku sugan, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha ciidanka Xooga dalka ee Gobolkaasi Hiiraan.

Col.Tawane Axmed Gurey oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa soo bandhigay ku dhawaad 15 gaadiid nooca dagaalka ah ee ciidamada ay isticmaalaan iyo hub ciidanka la soo siiyay, waxaana uu sheegay dhawaan inuu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Tawane Axmed Gurey oo ah Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka Xooga dalka Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu xusay ciidamada Xooga dalka Somaliya, qaybta Gobolka Hiiraan ee Guutada 10-aad hada inay yihiin ciidan haysta agab ku filan oo dagaal, hujuum Millateri ku qaadi kara Al Shabaab.

“Ciidamada Xooga dalka Somaliya guutada 10-aad waxa ay ku jiraan diyaargarow, Diyaargarowgaasi oo looga gol leeyhay in dalka lagu difaaco, gaar ahaan Gobolkaan oo masuuliyadiisa ay na saaran tahay oo hada meelo ciidamada ay deganayaaen ay isaga soo guureen, waxaan rabnaa inaan buuxino meelahaasi oo aan difaacno Magaalooyinka waaweyn, maadaama xilligaan loo diyaargaroobayo arimaha Doorashooyinka.” Ayuu yiri Col.Tawane.

Taliyaha ciidamada Xooga dalka ee Gobolka Hiiraan ayaa ku ammaanay ciidamada Gobolkaasi ku sugan inay yihiin kuwa geesiyaal ah oo awood u leh difaacida Gobolka Hiiraan iyo Magaalooyinka ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

“Qalab ciidan waan keenay howshaas aan soo sheegay ayaa lagu qabanayaa waad arkeyseen indhihiina ayaad ku arkeyseen, markii hore gaadiid xumaa na haysay Dowladda dhexe ayuu nooga yimid Taliska ciidanka Xooga dalka ayaana na siiyay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Col.Tawane Axmed Gurey.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan ka baxay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan taasi oo cabsi gelisay dadka ku nool deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ka cabsooday Shabaab inay gacanta ku dhigaan Magaalooyinka waaweyn ee Gobolkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300