Published On: Mon, Oct 17th, 2016

DEGDEG: Rasaas ka dhacdey Agagaarka goobta doorashada Maamulka HirShabeelle.

deg-deg-ah11Wararka Laga helayo Magaalada Jowhar, xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo iminka ay ka socoto doorashada madaxweyne ku xigeenka Maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in Rasaas ay ka dhacdey halkaasi goor dhow.

Wararka ayaa sheegaya in Rasaastu ay ka dhacdey meel aan ka fogeyn goobta doorashada madaxweyne ku xigeenka ay kasocoto.

Telefishinada sida tooska ah u tebinayay munaasabada doorashada ayaa hawada ka baxay, taasi oo wararku ay sheegayaan in rasaastani ay sabab u tahay, inkastoo faah-faahin dheeri ah aysan ka soo bixin.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay rideen ciidamada Amisom ee u jooga halkaasi sugida ammaanka doorashada, taasi oo sida la sheegey ahayd digniin.

Xaalada ayaa mid caadi ah, Doorashadani sideedii ayay ku socotaa, waxna kama bedelin khal-khalka rasaasta ay sababtay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300