Published On: Mon, Oct 17th, 2016

DEDGEG: Cali Cabdullaahi Cosoble oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

cosoble-1

Musharaxa Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku guuleystay Doorashada xilka madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo iminka soo dhammaatay.

Tartanka oo ay isugu soo hareen labada musharax ee Cali C/llaahi Cosoble iyo Maxamed Cabdi Waare, kadib markii uu ka baxay musharixii saddexaad ee Cali Maxamed Carraale ayaa si weyn loogu loolamay.

Cali C/llaahi Cosoble oo ahaa musharax uu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haddana noqonaya madaxweynaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wuxuu hore u soo noqday wasiirka ka tirsan xukuumadii KMG ahayd ee Cali Maxamed Geedi.

Waxaa si rasmi ah hadda loogu dhawaaqay natiijadii cod bixinta oo noqotay:

98 xildhibaan oo codeysay (117)

61 cod waxay codka siisay

Maxamed Cabdi Waare 36 cod

iyo hal cod oo xumaaday

Waxaana guuleystay Cali Cabdullaahi Cosoble, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Musharaxa laga guuleystay ayaa balanqaaday inuu la shaqeeyo madaxweynaha la doortay, wuxuuna caddeeyay inuu mira dhalay dadaal ay wadeen muddo 9 bilood ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300