Published On: Mon, Oct 17th, 2016

Cali Xasan Taakow:“Waxaa leyga guuleystay anigu xildhibaanada lacag ma siin, waxaan fiirinayay tijaabadiina, aad iyo aad u mahadsan tihiin, mushkilada lacag la’aan ma aheyn,

taakow31-480x320

Musharaxa u tartamayay xilka madaxweye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa khudbad cajiib ah oo uu ku kashifay wixii ka dhacay doorashada Jowhar ka jeediyay madashii shirka.
Cali Xasan Taakow ayaa tartanka xilka madaxweyne ku xigeenka u taagnaa ayaa sheegay in looga guuleystay inuusan isagu wax lacag ah siinin xildhibaanada, inkastoo aanay lacag la’aan heynin.

“Waxaa leyga guuleystay anigu xildhibaanada lacag ma siin, waxaan fiirinayay tijaabadiina, aad iyo aad u mahadsan tihiin, mushkilada lacag la’aan ma aheyn, lacag waa heystaa” ayuu yiri Cali Xasan oo si geesinimo leh diirka uga qaaday wixii ka dhacay Jowhar iyo lacagta loo adeegsaday doorashada madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle.

Cali Taakow ayaa helay 10 cod oo qura, halka musharaxa guuleystay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) uu helay codad dhan 86 cod.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300