Published On: Mon, Oct 17th, 2016

Cali Guudlaawe oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

guudlaawe

Doorashada Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay.

Xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ayaa loo doortay Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaabe Xuseen oo hore loo filayay inuu xilka ku guuleysto kadib markii musharaxa xilka kula tartamayay si hoose loo xaliyay arrimihiisa.

Doorashada ayaa ku soo dhammaatay iyado natiijadii ay noqotay inuu cod aqlabiyad leh ku guuleysto Cali Guudlaawe Xuseen. Waxaana la ogaaday intii aan lagu dhawaaqin natiijada inuu guuleystay, wuxuuna helay 86 cod, halka Cali Xasan Taakow uu helay 10 cod oo qura.

Waxay ahayd doorasho aan lagu daalin labada xil ee madaxweyne iyo ku xigeenkiisaba, waxayna doorashada dambe u ekeyd mid qof kaliya tartanka ku jiray.

Waxaa soo dhameystirmay doorashada maamulka cusub ee Hiiraan oo hadda noqday maamul ka mida maamul goboleedyada dalka ka jira

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300