Published On: Mon, Oct 17th, 2016

Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Muuri

al-shabaab

Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Muuri oo ku yaalla Duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku lahaayeen Deegaanka Muuri, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Al-shabaab war ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Deegaanka Muuri ay Dagaal kula wareegeen, inkastoo saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose aysan weli arintaasi.

Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo qiyaas ahaan 13 Km dhinaca Koofureed kaga beegan degmada Afgooye ayaa saaka lagu soo waramaya in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa wali war kasoo saarin dagaalka Al-Shabaab ay kula wareegeen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300