Published On: Sun, Oct 16th, 2016

MAXAY TAHAY SABABTA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SH/DHEXE UU ISU CASILEY. (WARBIXIN).

guudlaawe

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goor dhoweyd iska casilay xilka Guddoomiyaha Gobolka.

Is-casilaadda Cali Guudlaabe ayaa ka dambeysay inuu musharax u yahay xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo lagu wado in doorashadiisu ay dhacdo maalinta beri ee isniinta. Xilka guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa hadda la wareegay Axmed Meyre Makaraan oo ahaa ku xigeenkiisa.
Waanwaan la dhex dhigay isaga iyo musharax Cali Xasan Taakow ayaa ka socotay magaalada Jowhar tan iyo Jimcihii kadib markii musharaxa danbe ciidamo taabacsan ay qabsadeen xarunta shirka oo xiisad ka dhalatay.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/llaahi Maxamed Nuur, Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale, C/raxmaan Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale ayaa Jowhar u tegay xalinta khilaafka ka dhashay xilka madaxweyne ku xigeenka oo ay isku heysteen labadan musharax.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle uu fadhi yeelanayo xilligan isagoo dhageysan doona khudbadaha musharixiinta xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300