Published On: Sun, Oct 16th, 2016

GAAS oo Liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland ka saaray siyaasi caan ah [Warbixin Xasaasi ah]

mahad-cawad-480x320

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa lagu qasbay inuu liiska musharixiinta Aqalka Sare ka saaro siyaasi ay isbaheysi lahaayeen oo ka soo jeeda Beesha Dir.

Liiska cusub ee maanta uu shaaciyay Baarlamaanka Puntland  ayaa gebi ahaanba laga waayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad oo hore uga mid ahaa Liiskii hore.

Mahad Cawad ayaa isbeheysi siyaasadeed oo xoog leh la leh C/weli Gaas iyo Puntland, laakiin waxaa ka hor yimid awood qeybsiga qabiilka ku dhisan oo keentay in C/weli looga adkaado liiska Aqalka sare lagana saaro saaxiibkii siyaasadeed ee qura oo Beesha Harti ku wehliyay degaanada Puntland.

Beesha Dir ee Mudug ayaa labadeeda aqal la geeyay Cadaado iyo maamulka Galmudug, taasoo siyaasad ahaan uu arrinteeda ku adkaatay madaxweyanah Galmudug C/kariin Guuleed, haddana waxaa muuqata in siyaasiga Mahad Cabdalla Cawad uu bannaanka ku soo dhacay, isagoo ka haray xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka cusub.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300