Published On: Sun, Oct 16th, 2016

Gaari ay la socdeen xubno Shabaab ka tirsan oo Miino ay kula qaraxday Gobolka Bakool

breaking

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya gaari ay saarnaayeen labo xubnood oo ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo saddex ruux oo shacab ah inay miino kula qaraxday Gobolkaasi.

Gaarigaan oo Shabaab ay si qasab ah uga kaxeysteen Deegaanka Buudhuxule ee Gobolka Bakool, ayaa waxa ay doonayeen inay ku tagaan deegaanka Garasweyne oo isla Gobolkaasi Bakool ka tirsan.

Wararka ayaa sheegaya gaari oo noociisa uu ahaa Homy/Caasi inuu xalay tagay Deegaanka Buurdhuxule, kadib markii raashin uu ka qaaday Magaalada Baydhabo uu geeyay deegaankaasi, waxa uu u rarnaa gaariga dad ganacsato ah.

Labo xubnood oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gaarigaan si qasab ah saaka uga soo kaxeystay Deegaanka Buurdhuxule, waxaana ay doonayeen inay ku tagaan deegaanka Garasweyne oo duleedka Degmada Xudur ah.

Markii uu ka soo tagay Deegaanka Buurdhuxule gaarigaan, ayaa waxaa Miino ay kula qaraxday wadada, taasi oo sababtay dhimashada labadii Xubnood ee Shabaabka ka tirsanaa iyo dhaawaca Saddex ruux oo Shacab ah oo Darawalkii Baabuurka iyo dad kale isugu jira, sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Waajid Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacada Risaala.

“Baabuur shacab leeyihiin ayeey xoog ku wateen nimanka Shabaab la dhahaayo, qaab ciidamo oo kale inay u isticmaalaan ayeey rabeen, Baabuurka xalay ayuu Baydhabo ka soo galay ganacsatada ayuu raashin u keenay, qaab ciidan ayeey rabeen inay u isticmaalaan, qarax ayaa qabsaday baabuurka, Baabuurka ninka iska leh Aadan Ibraahin ayaa la dhahaayay, labo Shabaab ah ayaa ku dhintay Saddexna waa dhaawac garaab ah, Buurdhuxule ayeey ka afduubteen Baabuurka Garasweyne ayeey rabeen oo ay u sii socdeen.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Xoogaga Shabaab ayaa xilliyada qaar si xoog ah ku kaxeysta gaadiidka ay leeyihiin dadka shacabka ah, kuwaasi oo ay u isticmaalaan inay ciidamo ku qaadaan ama agab kale ay ku rartaan.

Deegaanka Buurdhuxule oo Qiyaastii Degmada Waajid u jira 30-KM ayaa waxaa gacanta ku haaya Ururka Al Shabaab, balse wadada u dhaxeysa Buurdhuxule iyo Degmada Waajid ayaa waxaa ka buuxa miinooyin ay Shabaabka ugu aaseen ciidanka Dowladda iyo kuwa Amisom ee halkaasi howlgalka ka wada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300