Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Wejigii Koowaad ee Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Cadaado ka socda oo la soo Gabagabeeyay “ Sawirro”

Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa u tartamayay ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.

Doorashada oo socon doonta ilaa iyo labo maalmood ayaa maanta waxaa la doortay shan xubnood.

doorShan xubnood ee loo doortay Aqalka Sare in ay u matalaan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa u codeeynaayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug.

Goobta ay doorashada ay ka dhaceysay ayaa waxaa joogay xubno ka socday guddiga doorashooyinka daban ee dalka iyo Madaxda maamulka Galmudug.

Shanta xubnood ee maanta guuleystay ayaa si rasmi ah uga mid noqon doono xildhibaanada Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya.

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in la doorto saddexda xubnood ee dhiman.

Hadaba Magacyada iyo Sawirada Shanta xubnood ee Maanta guuleysatay hoos ka daalaco:
Abshir Axmed Maxamuud ( Bukhaari)
Cabdi Xasan Cawaale( Qeybdiid)
Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)
Yuusuf Geelle Ugaas
Samsam Daahir Maxamuud

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300