Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Waa sidee xaalada Magaalada Gaalkacyo Caawa.(WARARKII UGU DAMBEEYAY)

ciidanka-galmudug-238x178

Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug oo Maalmihii la soo dhaafey ay ku dagaalamayeen xoogag kala taageera Maamul goboleedyada GalMudug iyo Puntland ayaa caawa lagu soo waramayaa in mar kale uu dagaal ka qarxey.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaaladaasi.

Wararku waxay leeyihiin Rasaasta la is dhaafsanaya waa kuwa culus.

Wararku waxay sidoo kale leeyihiin Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii  Maanta mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay booqdeen goobtii lagu muransanaa.

Dadkii kunool Xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa Maanta si weyn u qaxay , waxaana dad ay naftooda kala cararayaan rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanaayaan.

Rasaasta goos goos ah ayaa Caawa bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada u jirta 8 Km

Maanta ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay soo saartey Warbixin ku saabsan dadka tirade Badan ee ka barakacay dagaalada soo noq-noqdey ee ka dhacaya magaalada gaalkacyo, gaar ahaan dagaaladii dhacayay maalmihii u dambeeyay

Dhinaca kale, waxaa weli miro dhali la’ dadaalo ay wadeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Cumar Cabdirashiid, Ra’iisal wasaaraha uu waqtiga ka dhamaadey ee dowlada federaalka Soomaaliyeed oo dhowaan shaaciyey in uu ku howlan yahay xasilinta dagaalada Gaalkacyo.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300