Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Tiradii Ugu Badneyd ee Musharixiin dooneysa Xilka Baarlamaanka Cusub oo Hal Xaflad Lagu Soo Bandhigey +SAWIRRO

baydhabo3

Waxaa bilihii lasoo dhaafay Dalka Soo gaarayey Musharixiin dooneysa iney u tartamaan Xilalka Golaha sare iyo midka Baarlamaanka Dowladda cusub ee 2016, iyadoo Xaflad Balaaran oo lagu Soo bandhigayey ilaa Shan Musharax ee u taagan Baarlamaanka Cusub lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen Saladiinta,Odayaasha, waxgaradka,Dhalinyarada iyo Haweenka mid kamida Beelaha dega deegaanada Maamulka Koofur Galbeed , ayaa waxaa Hadafkooda iyo codsiyo ku aadan in Beesha ay Codkooda siiso kasoo jeediyey Musharixiinta oo Labo kamida ay Wakiilo u joogeen maadama ay Howlo shaqo arimaha Doorashada ugu maqanyihiin Magalaada Baydhabo waxayna Musharixiinta kala ahaayeen.

1-Jen.Shariif Sheekhunaa Maye
2-Prof.Maxamed Cali Caliyoow
3-Drs. Iisho Suldaan Cumar Fiqi
4-Dr.Aadan Cumar Abuukar
5-Avv. Axmed Caddoow

Waxgaradkii Halkaasi ka hadley ayaa waxaa kamid ahaa Nabadoon Cismaan Maxamed Buulle waxaa uu sheegay in Xaflada ay tahay mid taariikhi ah oo aysan horey u dhicin in Musharixiin ka badan Tirada Beesha u geli doonta Baarlamaanka cusub Hal Goob ay Afkaartooda iyo Codsiyadooda uga jeediyaan ergada iyo waxgaradka beesha ee ay Codka ka doonayaan, isagoo xusey in Hadafka beesha ee xiligaan uu yahay in Isbedel la hello.

Drs.Ceyni Khaliif Sh. Oo kamida Aqoonyahanada beesha ee wax badan dalka ka maqnaa ayaa sheegtay in iyadu aysan ahayn Musharax ama xil aysan ka dooneyn beesha, laakiin sababta ay Caruurteeda uga soo tagtay ay tahay sidii ay u ogaan lahayd dhibaatooyinka Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed heysta gaar ahaan kuwa beesha oo ay ballan qaaday iney wax weyn ka qaban doonto, ergadana kula dar-daarantay iney doortaan Dadka saxda ah ee aysan u fiirin lacag iyo isu-dhowaansho.

Suldaanka Beesha Tunni Suldaan Faqi Saciid Faqi ayaa halkaa kasoo jeediyey qudbad dhinacyo badan taabaneysay, oo arimaha Beesha iyo sida Magaca beesha Dad aan u dhalan ay ugu fadhiyeen Kuraastooda sanadihii lasoo dhaafey, iminkase la gaaray xiligiii ay dib usoo Ceshan lahaayeen Xaqa ay dowladda ku leeyihiin.

“Waxaan Kula Dardaarmayaa Xubnaha La dooran doono ee uu Nasiibku saacido iney u taallo Howl aad u balaaran oo aan ku Koobneyn degmada Baraawe ee la doonayo iney waxqabadkooda gaaro Guud ahaan Degmooyinka iyo Gobolada kale sida Shabeelaha Hoose, Jubada Dhexe ilaa Jubadda Hoose oo ay Beeshu degto”

Musharixiinta halkaasi kusoo bandhigey Waxqabadkooda iyo codsiyadooda ku aadan in Beeshu ay Codka siiso ayaa dhamaan waxay ka sinayeen iney waxa ugu horeeya ee ay wax ka qaban doonaan ay tahay Arimaha Dib u heshiisiinta, nabadgelyada,Waxbarashada iyo Caafimaadka Hooyada & dhalaanka.

baydhabo baydhabo1 baydhabo2 baydhabo3 baydhabo23

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300