Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo gaaray Garoowe

garoowe

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Dhalinyaro iyo xubno kale.

Safarka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay dhexdhaxaadinta maamulada Puntland iyo Galmudug.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar la soo dhoobay Ciidamo aad u fara badan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300