Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Mareykanka oo Maxkamadeynaya rag weerar ku qaadi rabay dad Soomaaliyeed

calanka-mareykanka

Laamaha Sirdoonka dalka Mareykanka ayaa gobolka  Kansas ku xiray  saddex nin oo lagu eedeeyay in ay doonaayeen in  ay weerar ku qaadaan daar ay ku sugan yihiin dad Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Garden City ee dalka Mareykanka.

Daarta ay rabeen  raggaan  in ay weeraraan ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen ku dhawaad 120 qof Soomaali ah.

nimanka la xiray ayaa  lagu magacaabaa Curtis Allen, 49 sano jir ah  Gavin Wright, 49 sano jir ah  iyo Patrick Eugene Stein, 47 sano jir ah.

Saddexaan nin ayaa la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay weeraraan daarta ay degan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku taalla Magaalada Garden City ee gobolka Kanasas ee dalka Mareykanka.

Maxkamada Faderalka ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in raggaasi ay doonaayeen in ay geystaan weerar loo adeegsato Bombooyin oo la doonaayay in lagu weeraro dadka Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300