Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Guddoomiyaha Buurhakaba oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Degmadaasi

breaking

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Degmadaasi uu ku dhaawacmay Qarax saaka ka dhacay Degmada Buurhakaba.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu aaso meel aanan ka fogeyn hoyga Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay guud ahaan Magaalada Buurhakaba.

Maxamed Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba oo dhaawaca soo gaaray culus yahay, ayaa la qorsheynayaa in loo qaado Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, si dhaawaca soo gaaray looga daaweeyo.

Lama oga sida ay ku suuragashay in hooyga Guddoomiyaha meel u dhaw qarax lagu aaso, taasi oo waxyeelo ay ka soo gaarto Guddoomiyaha qudhiisa.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan, waxaana ay sheegteen inay la beegsadeen Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300