Published On: Sat, Oct 15th, 2016

Faahfaahino dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu Maxkamadeynayo Hindiya

maxkamad-374x300

Maxkamad ku taalla Magaala Xeebeedka Dalka Hindiya ee Bombai (Mumbai) ayaa Maalintii Sadexaad u fadhida dhageysiga dawcad loo heysto dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu edeeyay Burcad badeednimo.

Dhallinyaradaasi ayaa ku gacanseyrtay eedeeymaha loo soo jeediyay ee ah Burcadbadeednimada, waxayna taa beddelkeeda ku doodayaan iney ahaayeen kaluumeysato sida ay horay u sheegeen Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee Dalkaasi Hindiya, ayaa dedaal ballaaran ugu jirta sidii loo furdaamin lahaa dhallinyaradaasi Maxkamadeyntoodu ka socoto Dalkaasi Hindiya.

Ciidamada Badda Hindiya, ayaa la sheegay in ay dhallinyaradaasi ka qabteen meel ka baxsan xadka Badda Soomaaliya, waxaana Laba ka mid ihi Raggan ay ku dhinteen xabsi ku yaalla Hindiya, markii ay waayeen daryeel caafimaad.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay iney dowladda Hindiya kala hadashay sidii dhalinyaradani ay xukunkooda ugu dhameysan lahaayeen Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale horay ugu gacanseyrtay in dhalinyaradaasi ay dhammaantood yihiin burcad badeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300