Published On: Fri, Oct 14th, 2016

Waxgaradka Hiiraan oo khilaaf uu soo kala dhex galay.

Beledweyne_Hiiraan

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Waxgaradka Gobolkaasi ay isku khilaafeen qaabka ay u dhisanayaan Maamul ay kaga soo horjeedaan Maamulka loga dhawaaqay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Waxgaradka ayaa ka hadlay, waxaana uu sheegay in ay ka soo horjeedaan Maamulka looga dhawaaqay Magaalada Jowhar.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa isna ka soo horjeestay in Gobolka Hiiraan lagu qabto shirar ka soo horjeeda midka ka socda Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidanka Amaanka ayaa xiray dhamaan xarumihii lagu shirayay ee ku yaallay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan lagu dhisayaa Maamulka Hirshabeelle waxaana xalay la doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba labadiisa ku xigeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300