Published On: Fri, Oct 14th, 2016

Soomaali ku biiri rabtay Daacish oo gacanta lagu dhigay

police

FBI-da Dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay 4 Dhalinyaro Soomaali-Mareykan ah, kuwaas oo la sheegay in ay u safri rabeen Dalalka Syria iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan Kooxaha Daacish iyo IS ee ka dagaalama Dalalkaas.

Labo nin ayaa Axadii lagu qabtay Magaalooyinka mataanaha ah ee Dalka Mareykanka, halka labada kalena lagu qabtay California, waxaana lagu eedeeyay sameynta qorshe ay ugu safraan Syria.

Dhalinyarada la qabtay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Zacharia Yusuf Abdurahman, Adnan Cabdixamiid Farah, Hanad Mustafe Musse iyo Guled Ali Omar.

Wakiilka FBI-da Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay hayaan Talefoonada ay ku hadlayeen Dhalinyaradan iyo sidoo kale Email-da ay isticmaalayeen, waxaana uu sheegay in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonaan, sidoo kalena Maxkamad la soo taagi doonaan.

Inka badan 200 Qof ayaa shalay banaanbax ka hor dhigay xarunta FBI-da Dalka Mareykanka, waxaana ay dalbanayaan in Dhalinyaradaasi Soomaalida ah la sii daayo hadii aan dambi lagu heyn.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300