Published On: Fri, Oct 14th, 2016

Ra’iisal wasaaraha oo GalMudug iyo Puntland kala hadlaya dagaalada Gaalkacyo.

axmed-iyo-cumar6

Ra’iisul Wasaaraha waqtiga uu ka dhamaadey ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Glamudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo xubno kale.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa madaxda Galmudug kala hadlaya sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Gaalkacyo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Magaalada Cadaado uga sii gudbi doona Magaalada Garoowe, waxaana uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, si uu ugala hadlo Dagaalada ku soo laab laabtay Gaalklacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300