Published On: Fri, Oct 14th, 2016

Madaxweynaha Nigeria oo xaaskiisa ay u digtay

nigeria

Xaaska Madaxweynaha Dalka Nigeria Caasha Buhari ayaa sheegtay inay taageeraynin saygeeda haddii uu is sharraxo doorashada dambe ee dalkaasi.

Marwo Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya inay taageeri doonto madaxweyne Buhari hadii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nigeria.

Aisha Buharo oo waraysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC. Waxay sheegtay in madaxweyne Buhari looga baahan yahay inuu dhageysto taageerayaashiisii ka caawiyay inay ku guulaysto madaxtinimada dalka laba sano ka hor.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nigeria ayaa u muuqato inay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono ka dib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300