Published On: Fri, Oct 14th, 2016

Koox Hubeysan oo Qabsatey xarunta Shirka hir-Shabeelle.

shi

Warar goor dhowayd naga soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maleyshiyaad hubeysan ay duhurnimadii maanta qabsadeeen xaruunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe ee magaalada Jowhar, sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay goobta uu shirku ka soconayo.

Maleeyshiyaadka qabsaday xaruunta shirka ayaa waxaa hogaaminayay musharax isu soo taagay qabashada xilka madaxweyne ku xigeen maamulka Hirshabelle.

Cali Xasan Taakow oo ah ninka xaruunta shirka qabsaday oo gudaha xarunta shir warfidiyeenka ugu qabtay, ayaa waxaa uu sheegay in uu u arkay shirka in qaab musuqmaasuq ah lagu wado.

Waxaa uu intaa ku daray in dad isu soo sharaxay loo diiday in ay u tartamaan qabashada xilka gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle. Hase yeeshee, mas’uulkaasi ma uusan soo bandhigin caddayn uu u hayo musuqmaasuqa uu sheegay inuu dhacay

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka Shabellaha dhexe iyo dowlada federaalka ah oo arrintan ku aaddan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300