Published On: Thu, Oct 13th, 2016

Markab Mareykanka uu leeyahay oo gantaalo ku dhuftay Xeebta dalka Yemen

markab-yamen

Mid kamid ah Maraakiibta dagaalka ee uu Maraykanka leeyahay kuna sugan bada Cas ayaa sheegay in dalka Yemen looga soo tuuray Gantaal.

Mareykanka ayaa sheegay inay iyaguna is difaaceen oo ay duqeeyeen goobihii gantaalada looga soo tuuray ee xeebta dalka Yemen, islamarkaana ay ku rideen dhowr gantaal.

Waxaa la rumeysan yahay in duqeyntaasi ay ka danbeeyeen kooxda Xuuthiyiinta ah ee la dagaalameysa dowlada Yemen, inkastoo aaney jirin cadeymo rasmi ah oo muujinaya in ficilkaasi Duqeynta ay ku kaceen Kooxda Xuuthiyiinta.

Waa markii labaad oo Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo ku sugan xeebaha Yemen lagu soo tuurayo gantaalo, xilli kol hore ay sidaan oo kale u dhacday Duqeyn lagu soo tuuray.

Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay inay bur burisay qaar ka mid ah Raadaro yaalay goobaha laga soo weeraray oo ay gacanta ku hayaan kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen.

Wasaarada ma aysan sheegin Khasaare dhimasho iyo dhaawac hadii ay ka dhasheen Duqeymahaasi Maraakiibtooda ay ku garaaceen Xeebaha dalka Yemen.

Xoogaga Xuutiyiinta dalka Yemen, ayaa doonaya inay iska hor keenaan ciidamada dalka Yemen iyo Maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala Marinbiyoodka Yemen ku dhaw.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300