Published On: Thu, Oct 13th, 2016

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Jowhar

jawari

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu tagay Magaalada Jowhar.

Qorshaha uu u tagaay Jawaari Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa ah ka qaybgalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle oo lagu wado maanta 13-October inay ka dhacdo Magaalada Jowhar.

Socdaalka uu ku tagay Magaalada Gudoomiye Jawaari waxaa ku wehlinayo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, Waxaa Magaalada uga sii horeeyay Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen.

Jawaari waxaa Magaalada kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmada,Xubno ka socday wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya iyo xildhibaanadii dhawaan la dhaariyay ee Maamulka HirShabeelle.

Xalay ayay mudanayaasha Baarlamanka Hir-Shabeelle dhagaysteen qudbadaha Saddex musharrax oo u taagan qabshada xilka Guddoomiyenimo iyo ku xigeennadiisa,si ay usoo bandhigaan wax qabadkooda dooarshada ka dib.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa shalay ku beegneyd sida jadwalka ku xusan, balse dib u dhac ayaa ku yimid, laakiin maanta ayaa lagu wadaa in la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Maalinta Berito ah ayaa Xildhibaanada waxa ay dhageysan doonaan Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Maamulkaasi Khudbadahooda, kadibna Maalinta Sabtida ayaa lagu wadaa in la doorto Madaxweynaha uu maamulka yeelanaayo.

Dowladda Somaliya ayaa maamulka Hirshabelle ku wado hanaan deg deg ay ku dheehan tahay, maadaama ay soo dhaw dahay Doorashada Madaxtinimada Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300