Published On: Wed, Oct 12th, 2016

Xiisad wali ka taagan Magaalada Gaalkacyo

xiisad

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay saakay tahay  mid kacsan waxaana magaalada Gaalkacyo lagu arkaaya ciidamo aad u farabadan oo ay soo dhoobeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in  ay isku dhacaan.

Waxgaradka  iyo Culimada gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan ku yeeshaan Suuqa Magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si weyn uga xun tahay colaada ka dhaxeysa maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed lagu amray in ay kala dhex galaan labada maamul.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300