Published On: Wed, Oct 12th, 2016

Kulan looga hadlayay Ammaanka Magaalada Muqdisho oo ka dhacay…

MuqdishoView

Kulankan Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cali Baashi Maxamed uu kula yeeshay Magaalada Muqdisho saraakiil ka tirsan AMISOM iyo saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay sidii Shabaab Dalka looga saari lahaa, xoojinta xiriirka Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo sugidda Amniga xilliga Doorashooyinka.

Dhinacyada kulanka yeeshay ayaa isku dhaafsaday inta uu kulanka socday sidii loo sugi lahaa Goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka oo u baahan in Amnigooda la adkeeyo, islamarkaana la geeyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

General C/laahi Maxamed Sheekh ku xigeenka Madaxa hogaanka saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay.

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa dhankiisa sheegay kulankan in ahmiyad gaar ah uu u leeyahay xasilinta amniga, maaadaama laguda galay xilliga Doorashooyinka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300