Published On: Wed, Oct 12th, 2016

C/kariin Guuleed oo Godinlabe gaarey, kadib markii….

sun

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow waxa ay gaareen Deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Godinlabe maanta waxaa gacan ku heyntiisa la wareegay Ciidanka Ahlu-sunah iyo Maleeshiyaad hubeysan kadib markii ay halkaasi kula dagaalameen Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

Ujeedka Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu ku tagay Deegaanka Godinlabe ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii wax looga qaban lahaa xiisada Dagaal ee u dhaxeysa Maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunah.

Wariye ku sugan halkaasi ayaa soo sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug ay la socdaan Ciidamo aad u fara badan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, kadib markii maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300