Published On: Tue, Oct 11th, 2016

Guddiga Doorashooyinka “Waa la soo gudbiyay Ergadii dooran laheyd Baarlamaanka”

guddiga_doorashada

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka oo gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho shir jaraaid ku qabtay ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan soo gudbinta Ergadii dooran laheyd Baarlamaanka.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa sheegay in Ergadii dooran laheyd Baarlamaanka oo tiradoodu ay aheyd 14,025 hada la soo gudbiyay 6,528 xubnood.

Magacyada 6,528 Ergo oo ka mid ah Ergada soo dooranaya xildhibaanada Golaha shacabka ayaa soo gaaray Guddiga Doorashooyinka Dadban waxaana ay ku baaqeen in Labo maalmood gudahooda lagu soo dhameystiro.

Jubbaland ayaa soo gudbisay Ergada 42 kursi, Koonfur Galbeed ayaa soo gudbisay 57 kursi, Galmudug 12 kursi, Puntland 6 kursi iyo Maamulka Hirshabeelle 11 kursi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300