Published On: Mon, Oct 10th, 2016

Odowaa oo sheegey in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu tegeyo Shirka Jowhar.

ugaas-xasan-480x320

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa),Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu tegi doono magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Odowaa oo ka hadlayay xaflad kooban oo magaalada Jowhar lagu soo dhoweeyay labadii Ugaas ee ku harsanaa magaalada Beledweyne oo kala ah: ayaa sheegay inay sugayaan Ugaas Xasan inuu yimaado magaalada Jowhar, isla markaana la dhameystiro dhismaha maamulka labada gobol.

Ugaas xasanUgaas Xasan Ugaas KhaliifUgaas Xasan ayaa hadda keligiis ku haray magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay inuu hore u ogolaaday inuu tago magaalada Jowhar markii ay cadaadis saareen Beesha caalamka.

Warar dhowaan ay qoreen Warbaahinta ayaa sheegayay in Ugaaska oo cadaadis uu uga yimid beesha caalamka uu keenay in uu ka tanaasulo qorshihii uu uga soo horjeeday Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dabo-geed oo mar sii horeysay sheegay in uu ka soo horjeedo qorshaha dowlada ee maamul u sameynta labadaasi gobol, kuna feker yahay Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa iyaguna isbedel sameeyay oo shalayba ka qeyb galay shirka ka soconaya magaalada Jowhar.

Ma jirto ilaa iyo Hadda hadal ka soo baxay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku aadan isbedelkani la sheegay.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300