Published On: Mon, Oct 10th, 2016

Daawo Sawirada Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu weeraray dalka Papua New Guinea

3-4

Sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah warbaahinta Dalka Papua New Guinea koox dhalinyaro ah ayaa weerar ku qaaday muwaadin Soomaaliyeed oo ka shaqeyn jiray Hay’ad Samafal oo ka shaqeysa dalkaasi.

Mascuud Cali Shiekh, 27 jir  ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus oo u badan dhanka madaxa , waxaana lagu dabiibaayaa isbitaal ku yaalla Jaziirada Manus .

Dadka kunool Jaziiradaasi ayaa si weyn uga carooday dhaawaca loo geystay muwaadin Soomaaliyeed ee ka shaqeyn jiray hay’ad Samafal oo u adeegta dadka Naafadaha ah ee dalkaasi.

Mascuud Cali Shiekh  ayaa dalkaasi tagay 2013 , waxaana bulshada ay ku taqaana nin caawiya dadka naafada ah .

Kooxda dhalinyarada ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed la dhacay dhagaxaan waa weyn kuwaa soo soo gaarsiiyay dhaawaca.

Berit James oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Wargeys kasoo baxa Papua New Guinea in muwaadinka Soomaaliyeed ay weerareen koox dhalinyaro ah oo gaaraya ilaa iyo 7 ruux , islamarkaana aysan garaneynin sababta loo weeraray.

”  Aad ayaan uga naxnay markaan maqalnay dhaawaca loo geystay Mascuud Cali Sheekh , waxaa uu ahaa muwaadin si weyn loogu yaqaano caawinta dadka naafada ah” ayuu Yiri Berit James oo ka mid ah dadka kunool Jaziirada Manus .

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa horay uga shaqeysan jiray dalka yemen .

1-3 2-4

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300