Published On: Sun, Oct 9th, 2016

Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle oo la dhaariyay (DAAWO SAWIRADA)

dhaarinta-xildhibanka-5-1

Waxaa goor dhow Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaariyay Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hirshabeelle.

Munaasabada Dhaarinta xildhibaanada waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Mas’uuliyiin ka socotay IGAD, Waxgarad iyo xubno kale, waxaana la dhaariyay 73, mudane, iyada oo tirada maanta hoolka ku xarootay ay gaareysay 80 Xildhibaan.

Dhaarinta xildhibaanada kadib ayaa waxaa goobta hadal kooban ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana uu xildhibaanada cusub uu kula dar daarmay in ay shaqadooda si wanaagsan u gutaan oo Daacadnimo ay ku dheehan tahay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa dhismihiisa in la soo gaba gabeeyo Bishan October dhexdeeda, maadaama Howlihii ugu badnaa ee dhismaha Maamulkan laga soo gudbay.

dhaarinta-xildhibanka-1-1 dhaarinta-xildhibanka-3-1 dhaarinta-xildhibanka-4-1 dhaarinta-xildhibanka-5-1 dhaarinta-xildhibanka-7-2

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300