Published On: Sun, Oct 9th, 2016

Rasaas Goos Goos ah oo ka socota Gaalkacyo

gaalkacyo3-740x555

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Magaalada laga Maqlaayo Raasaas goos goos ah oo ku dhaceysa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Rasaasta la sheegaya in tahay mid goos goos ah  sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka kunool xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Dadkii kunool Xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa shalay si weyn u qaxay , waxaana dad ay naftooda kala carayaan rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanaayaan.

Rasaasta goos gooska ah ayaa saaka bilaabatay , waxaana labada dhinac ay ku sugan yihiin meel magaalada ujirta 8 Km

Inkastoo hada uusan jirin dagaal toos ah hadana Labada dhinac ee magaalada waxaa  ku dhacaaya Rasaas ay ridaayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300