Published On: Sun, Oct 9th, 2016

C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay Gaalkacyo inaysan labo Maamul ka wada talineyn

sun

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

C/kariin Guuleed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, ayaa wuxuu sheegay masuuliyada dagaalkaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inay Dusha saaranayaan Maamulka Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Guuleed in magaalada Gaalkacyo aysan ka talin doonin labo maamul iyadoo la wada og yahay inay iminka u qeybsan tahay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

“Waan ka xumahay dagaalka Gaalkacyo maxaa yeelay Gaalkacyo uma baahna kala qeybsanaan iyo dagaal, ka Galmudug ahaan waxaan ku dadaali doonnaa sidii magaalada ay hal gacan ugu geli lahayd hal maamul, labo maamul kama wada talineyso Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

C/kariin Guuleed oo sii waramaya ayaa dhinaca kale sheegay in Safiirka Dowladda Mareykanka ee Muqdisho ku sugan ay kala hadleen Duqeyntii ciidanka Galmudug lagu laayay ee ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Guuleed ayaa sheegay in Mareykanka ay kala hadleen duqeyntiisa iyo bixinta magta ciidamadii daraawiishta Galmudug ee halkaas ku dhintay islamarkaana ay wada heshiiyeen.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug horay waxaa uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay Maamulada Galmudug Iyo Puntland, iyadoo Heshiis ay kala dhex dhigtay Dowladda Somaliya, balse heshiiskaasi ayaa noqday mid aanan dhaqangelin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300