Published On: Sat, Oct 8th, 2016

Shirka Jowhar ka socda Maxaa ka cusub?

jowhar7

Munaasabad balaaran oo lagu xareynaayo xubnaha Baarlamaanka Cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradkii soo xulay xildhibaanada iyo sidoo kale wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa wadda qorsho la doonaayo in baarlamaanka Hirshabeelle ay si toos ah u shaqa bilaabaan Madaam howlaha maamul dhisida ay marayaan meel wanaagsan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in la doorto 15 Bishaan sida uu horay idaacadda Risaala ugu sheegay xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim.

Magaalada Jowhar oo ah Caasimada maamul Hir Shabeelle ayaa sidoo kale waxa laga dareemaya qaban qaabada musharaxiinta doonaya in qabtaan xilka Madaxtinimada maamulka Hirshabeelle.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300