Published On: Sat, Oct 8th, 2016

Kenya oo xirtay Dhaqtar Caan ah

caan

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay   Dr C/laahi C/qaadir Caalin, oo ka hawl galayay Isbitaalka guud ee degmada Malindi ee dalka Kenya ka dib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.

Ciidanka ammaanka ayaa u dhacay guriga ninkaasi oo ku yaalla Xaafadda Sea Breeze ee dalka Kenya.

Ninka ay xireen ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa da’adaiisa lagu sheegay 35 jir ah, waxaana looga shakiyay inuu la shaqaynayay koox diyaarinaysay weerarro ka dhaca gudaha Dalka Kenya.

Matawa Muchangi, oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka ammaanka ay heleen xog ku saabsan in ninkaasi uu abaabulaayay weeraro Argagixiso oo ka dhaca dalka Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300