Published On: Sat, Oct 8th, 2016

Hay’ada Culumada Soomaaliyeed oo ka hadashay waxa sababay Dagaalka Gaalkacyo.

SheekhBashiirAxmedSalaad

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku dagaalamaan Magaalada Gaalkacyo.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in nidaamka Faderaalka uu sabab u yahay in dagaal uu ka qarxo Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale maamulada ee dalka Ka jira.

Waxa uu sheegay in Nidaam Faderaalka oo aysan fahansaneyn bulshada Soomaaliyeed uu qatarna ku yahay jiritaanka umada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in maamulada ka jira dalka aysan la heyn xuduudo sax iyo nidaam kala hage sidaas darteedna ay qarka u saaran yihiin in ay dagaalamaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300