Published On: Fri, Oct 7th, 2016

WAR DEG DEG: Qarax lala eegtay ciidamo AMISOM

breaking

Wararka inaga soo gaaraya Wadada Warshadaha gaar ahaan nawaaxiga Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax khasare geystay halkaasi lagula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana uu qabsaday mid ka mdi ah kolonyada ay la socdeen Ciidanka AMISOM, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Qaraxa kadib waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano iku aadan Qaraxan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300