Published On: Fri, Oct 7th, 2016

Howlgal Gaar ah oo xalay ka dhacay Degmada Waaberi

howlgalomuqdisho20140721

Ciidanka Dowladda oo garab ka helaya Ciidanka Howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa xalay  waxa ay Howlgal gaar ah ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Waaberi.

Howlgalka ayaa ahaa mid gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Waaberi, iyagoo dadka qaar ee xaafada Degan ay weydiinayeen su’aalo gaar ah oo Qofka la xiriira.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee qeybta ka aheyd Howlgalkan ayaa Risaala u sheegay in ujeedka Howlgalkan uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen Dilal qorsheysan.

Goobjooge lagu magacaaboC/laahi Yuusuf oo Risaala u waramay ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 20 Qof oo u badan Dhalinyaro, isagoo intaa ku daray in dadka Howlgalkan lagu soo qab qabtay ay Ciidamadu Gawaarida shabaqlaha ah ay ku wateen si baaritaano loogu soo sameeyo.

Maalmihii u dambeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir waxa ay ka wadeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300