Published On: Fri, Oct 7th, 2016

Faahfaahinta Dagaalka Gaalkacyo iyo Mas’uuliyiinta labada Dhinac oo hadashay.

gaalkacyo

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalka weli uu halkaasi ka socdo.

Dagaalkan ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya  Dagaalka u dhaxeeya labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena dadka halkaasi degan ay sameynayaan barakac.

LABADA MAAMUL MAXAY KA YIRAAHDEEN?

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaalkan uu u dhaxeeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalka, waxaana midba midka kale uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay.

Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Bare ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalka uusan u dhaxeynin labada Maamul balse uu u dhaxeeyo dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300