Published On: Fri, Oct 7th, 2016

Ciidamada Jubbaland oo xabsiga u taxaabay Gudoomiyihii Kismaayo iyo afar ilaaladiisii ah

jubbalad

Ciidamada Maamulka Jubbaland, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic), iyadoo lala soo qabtay ugu yaraan afar ka mid ah ilaaladiisii.

Ciidamada Jubbaland oo xalay weerar ballaaran ku qaaday hoyga Gudoomiyaha, ayaa waxay sidoo kale ka soo qabteen laba nin oo lagu sheegay qurbajoog, martina u ahayd Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa waxaa lagu haystaa in uu taageeray ciidan xalay ka gadooday Maamulka Jubbaland, isla-markaana ka biyo diiday in ay isa soo dhiibaan.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya goobta ay Ciidamada Jubbaland ku hayaan Gudoomiyihii Degmada Kismaayo, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in ay geeyeen Xarunta Madaxtooyada, halka warar kalana ay sheegayan in ay ku xireen Xarunta K2.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in inta badan ilaaladii Gudoomiyaha Kismaayo, ay u baxsadeen Deegaanka Qandal, oo qiyaastii 10km dhinaca galbeed kaga toosan Kismaayo.

Shacabka reer Kismaayo, ayaa si wayn u hadalhaya dagaalka culus, ee xalay ka dhacay halka ay iska galaan xaafadaha Calanley iyo Faanoole.

Dagaalka, ayaa u dhaxeeyay ciidan ku heyb ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuwii gadoodka sameeyay, oo ku heyb ah Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300