Published On: Thu, Oct 6th, 2016

Siyaasiyiinta ka baxay Xisbiga Kulmiye oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaradka ee Wadani

kulmiye-480x320

Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.
Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo.

Waxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo.Raggan waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis.

Muddo billooyin ah ayay wadahadalo kula jireen xisbiga mucaaradka ee Wadani, maanta ayayna shaaciyeen inay rasmiyan uga mid noqdeen xisbigaasi.

Waraysi ay labadan mas’uul siiyeen BBC-da ayay ku sheegeen inay xoojinayaan xisbiga Wadani qaabdhismeedkiisana wax laga badali doono.

Somaliland waxaa ka dhisan sadax xsibi oo kala ah; Kulmiye oo taladda haya, iyo xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

Doorashada guud ee madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in la qabto bisha March ee sanadka 2017-ka

BBC

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300