Published On: Thu, Oct 6th, 2016

Shariif Xasan:“Waan diyaarinay Xubnaha Aqalka Sare”

Shariif-Xasan

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu diyaariyay xubnaha kaga mid noqonaya Aqalka Sare.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan xubnaha ay diyaariyeen mudada labada maalmood gudahooda ee ay qabteen Guddiga Doorashooyinka.

Maaamul Goboleedyada ka jira Dalka ayaa looga fadhiyaa in ay ku dhawaaqaan xubnaha ka mid noqonaya Aqalka Sare, waxaana Maamul Goboleedyada qaarkood ay sheegeen in hadaba ay diyaar u yihiin in ay ku dhawaaqaan xubnaha ku soo kala aaday.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horey u sheegay in ay diyar yihiin xubnaha Maamuladooda uga mid noqonaya Aqalka Sare.


About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300