Published On: Thu, Oct 6th, 2016

Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka USA oo xaday xog Xasaasi ah oo Sirdoonka Mareykanka ku saabsan

sarkaal

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Harold T Martin ayaa la sheegay inuu xog xasaasi ah ka xaday hay’ada sirdoonka Mareykanka ee NSA.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu aruursaday xog la xariirta Barnaamijyada sirta ah ee Sirdoonka NSA ku baartaan computerada iyo shabakadaha Internetka.

Waa sarkaalkii labaad oo lagu eedeeyo inuu xog xasaasi ah ka xado hay’ada NSA, waxaana la sheegay in qoraalo sir ah oo uu ka qaatay xarunta NSA laga helay gaarigiisa iyo guriga uu degenaa.

Waxaanse weli la cadeyn inuu xogtan cid kale u gudbiyey, balse sirtan xasaasiga ah ayaa ah mid ay si weyn u raadinayaan sirdoonka dalalka kale doonaya inay wax ka ogaadaan xogaha rasmiga ah ee Sirdoonka Mareykanka.

Mr.Martin ayaa sidoo kale ka shaqeyn jiray shirkada uu u shaqeyn jiray sarkaalkii hore ee Edward Snowden oo isaguna sidan oo kale xog badan uu ka xaday NSA shaaciyey, Snowden ayaa hada baxsad ku jooga dalka Ruushka.

Lama garanaayo halka rasmi ahaan uu hada ku sugan yahay Sarkaalkaan ka tirsanaa ciidamada Sirdoonka dalka Mareykanka ee xaday Maclumaadka Xasaasiga ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300