Published On: Thu, Oct 6th, 2016

Haween iyo carruur lagu afduubtay Nigeria

haween

Wararka ka imanaya gobolka Bauchi ee waqooyiga Nigeria ayaa sheegaya in rag hubeysan oo aanan haybtooda la garanayn ay 11 qof ka afduubteen tuladii ay deganaayeen.

Kooxaha weerrarka soo qaaday ayaa waxa ay dhaawaceen saddex qof oo kale.

Dadka la afduubtay waxa ay isugu jiraan 3 haween ah, afar gabdhood, wiil iyo afar ilmood.

Waxaa tuulada miyiga fog ku taal ee Tipchi oo 120km u jirta magaalada Bauchi ee xarunta gobolka ka kaxaystay rag hubeysan oo aan la garan.

Dhibaatadaas waxa ay dhacday maalintii Isniintii laakiin tafaashiisa ayaa soo baxday hadda un sababtoo ah deegaanka ayaa aad u fog.

Qof ay ehel yihiin dhibanayaasha qaarkood ayaa sheegay in kuwa dadka afduubtay ay waydiisteen lacag madax furasha ah mar ay taleefan soo direen.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamo geeyay deegaanka dadka laga afduubtay si ay u raadiyaan una soo badbaadiyaan lahaystayaasha.

Afduub kooxo burcad ah ay dadka u qabsadaan inay lacag ka qaataan ayaa bilihii ugu dambeeyay ku soo kordhayay waqooyiga Nigeria.

Iyadoo ciidammadu waxoogaa guulo ah ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Boko Xaraam ee waqooyiga dalka haddana dhibaato cusub oo hor leh oo xagga ammaanka ah ayaa soo baxaysa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300